Sweden-(Weeraarnews)-Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Somaliland Cabdi Suldaan Gurey ayaa maanta loo magacaabay suldaanka guud ee Beesha Samarroon Markii uu aabihii Marxuum Gurey Nuur oo geeriyooday sannadkii hore .
Xafladdii lagu magacaabayey suldaanka Cusub ee Samaroon , isla markaana laga dareematy guud ahaanba daafaha iyo gudaha magaalada Boorama ayaa lagu qabtay meesha la yidhaa Caasha Caddo oo qiyaas 4km galbeedka kaga beegan magaalada.
Munaasabaddaan oo kulmisay dhammaan ardaayada beelaha samarroon ayaa sidooa kale waxa kasoo qaybgalay masuulyiin ka tirsan G/guurtida, Salaadiin, Cuqaal iyo waxgaradka qaybaha beelaha Samarroon iyo gaar ahaan beesha ay kasoo wada jeedaan madaxweynihii hore ee soomaaliland Daahir Rayaale iyo Suldaanka Cusub Cabdi Suldaan Gurey, kuwaasoo ka kala yimi degaanada beeshaasi ee dalalka Itoobiya iyo Somaliland .Iyo jabuuti
Munaasabaddan oo ahayd mid aad loosoo agaasimay, isla markaana suldaanka cusub Ee Samaroon lagu soo gelbiyey gaadiid an tiradooda lasoo koobi karayn ayaa aakhirataankii munaasabaddaii magacaabista ahayd waxa ka hadlay cuqaal iyo madaxdhaqameedyo kale oo ka kooban beelaha Awdal iyo selel, kuwaasoo dhammaanatood ku ballanqaaday taageerada Suldaan Cabdi suldaan Gurey iyo sida ay ugala shaqayn doonaan arrimaha Somaliland iyo gobolka Awdal danta u ah.
Ibraahim Magan Nuur kana mid ah odayaasha caanka Kana Soo Jeeda Beesha Degaanka Boarama Ee Reer Axamed yonis oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey aqoonta ay dadweynaha Soomaaliya iyo Somalilandba u leeyihiin suldaanka cusub Ee Samaroon , isla markaana loogu xusuusan karo inuu yahay nin nabadeed lagu bartay xilalkii dhinaca amniga ee uu kasoo qabtay dalkii la odhan jiray Soomaaliya iyo 19kii sannadood ee ay Somaliland jirtay.
Suldaan Muuse cilmi Dugsiiye (Sanbuurag) kana mid ah salaadiinta reer Awdal oo isna halkaa ka halay ayaa yidhi ‘waxaan inta badan maqallaa waayadan dambe salaadiin iyo boqorro aad mooddo inay yihiin siyaasiyiin mucaarad ah dhaqankii hoggaamiye dhaqameedku lahaana looga baahnaa, sidaa darteed waxaan idiin sheegeyaa in Suldaan Cabdi Suldaan Gurey yahay suldaan aan lagu sifayn Karin siyaasi mucaarad ah, balse uu yahay hogaamiye dhaqameed ka shaqeeya danta umadda iyo dawladnimada, tii hore iyo tan eegana uu kala shaqayn doono midnimada iyo nabadelyada beelaha Somaliland, haddaan ka mid ah salaadiinta beelaha Maxamed Casena waan soo dhaweynaynaa waanan la shaqayn doonaa”.
Diini C/Laahi Hande kana mid ah xildhibeenada G/guurtida oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha golahaasi aqoon u leeyihiin suldaan Cabdi Guray weligiina aan laga soo caban haddii ay tahay Somaliland iyo haddi kalaba , sidaa darteed loo baahan yahay in lala shaqeeyo suldaan Cabdi suldaan Gurey .
Xil Nuur Rayaale kana mid ah G/guurtida Somaliland oo isna munaasabadda magacaabista Cadbi Suldaan Gurey ka hadlay ayaa sidoo kale ka warbixiyey aqoonta uu u leeyahay suldaanka cusub, ilaa maalintii la aasaasay Somaliland ilaa waagii ay jiray daladdii soomaaliya , sidaa darteedna aanu ahayn nin ciyaar ku yimi hogaaminta aSuldaanka Guud ee Samaroon
Iimaan Bilaal ,kana mid ah hoggaamiye dhaqameedyada asal ahaan beelaha degaanka Gebilay, balse degaan ahaan caanka ka ah Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hogaaminta Suldaan Cabdi ee beesha J/Yoonis sii xoojin doonto amniga iyo walaaltinnimada beelaha gaalbeedka Somaliland sidaa darteedna loo baahan yahay in si buuxda loola shaqeeyo .
Hadalada halkaa saaka laga jeediyey oo aan lasoo koobi karay ayaa waxa barbarsocday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee halkaasi ,iyadoo halkaasina ay ka hadleen cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda g/Selel, kuwaasoo dhammaantood sheegay inay la shaqayn doonaan suldaan cusub EeSamaroon . loo baahany ahay in lala shaqeeyo Suldaan Cabdi Suldaan Gurey




Sweden (Weeraarnews) Magaalada Guljeed oo 18 Mayl dhinaca waqooyi galbeed ka xigta Boorama, ayaa waxa maanta lagu soo gabagabeeyay shir halkaasi mudo labo wiig ah uga socday hogaamiye dhaqa meedyada ardaayada beesha Jibriil Yoonis. Hadaba Xaflada balaadhan oo saaka ka dhacday dugsiga sare ee Quljeed, kana soo qayb galeen boqolaal ka mid ah waxgaradka beesha J/Y oo ka kala yimid Somaliland, Djibouti Ethiopia iyo Qurbahaba, ayaa waxa lagu magacaabay Abubakar Cilmi Wabar oo degan magaalada Chicago (USA) inuu noqdo suldaanka guud ee beesha, waxaana la filayaa inuu dhwaanta u guuro Boorama, halkaas oo ay ku soo dhaweyn doonaan madax dhaqameeyadii doortay. Hoos ka dhegeyso waraysigan saaka ay la yeelatay Shabakada Weeraarnews.com
Boorame - Suldaan Cabdi Suldaan Muxumed (Gurey] Nuur ayaa maanta lagu caleemo saaray Magaalada Caasha Cada oo 7-KM u jirta Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorame. Munaasibada Caleemo saarka oo ahayd madal aad loo qurxiyey, isla markaana qabanqaabadeeda la sii diyaariyey, ayaa waxa ka soo qeybgalay Salaadiin fara badan, aqoonyahan Xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Ganacsato, Haween, dhalinyaro, oday dhaqameedyo iyo marti sharaf kale.








